{"id":556,"date":"2025-05-20T10:12:27","date_gmt":"2025-05-20T10:12:27","guid":{"rendered":"https:\/\/snbctv.com\/en\/?p=556"},"modified":"2025-05-20T11:00:16","modified_gmt":"2025-05-20T11:00:16","slug":"deegaan-soomaaliyeed-oo-jaangooyey-kharashka-ku-baxa-guurka-ciddii-diidda-maxay-mutaysan-kartaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/snbctv.com\/en\/deegaan-soomaaliyeed-oo-jaangooyey-kharashka-ku-baxa-guurka-ciddii-diidda-maxay-mutaysan-kartaa\/","title":{"rendered":"Deegaan Soomaaliyeed oo jaangooyey kharashka ku baxa guurka. Ciddii diidda maxay mutaysan kartaa"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Xamaro ee gobolka Erer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo qaybo ka tirsan bulshada deegaanka ayaa soo saaray go&#8217;aanno ku saabsan qiimaha iyo lacagaha ku baxa guurka. Go&#8217;aannadaas ayaa lagu mamnuucay waxyaabo badan oo laga bixiyo gabadha loo geed-fadhiisanayo<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sheekh Cabdiraxmaan Rashiid waa madaxa golaha arrimaha Islaamka ee degmadaasi waxa uu BBC-da uga warramay sababta keentay go&#8217;aanada la soo saaray iyo waxa ku soo kordhay bulshada.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Waxa jiray in muddo ah waxyaabo ku soo kordhay guurkii caadiga ahaa ee la yaqiinay, marka taas ayaa saldhig u ahayd in aan shirno oo aan go&#8217;aamo ka soo saarno guur xumada iyo waxyaabaha waayadan dambe ku soo kordhay bulshada gaar ahaan degmada Xamaro&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in waxyaabo badan ay soo ku kordheen guurka waqtiyadan dambe kuwaas oo ah wax cusub oo culeyska ku ah dadka is guursanaya.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">&#8220;Waxybaaha aan mamnuucnay waxaa ka mid ah sida dhar la bixiyo marka gabadha loo fadhiisanayo, qaad iyo sigaar oo iyagana waajib laga dhigay iyo geel la qalayo guurka ka hor&#8221; ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan oo intaas ku daray &#8220;gabaatiga oo waagii hore xubin sharafeed ahaa sida odayaasha dhaqanku noo sheegen waxaa ku kordhay in la bixiyo geel la yiraahdo Gabaati oo oo aan yarad aheyd oo xaafada la siiyo oo geelaas in muddo ah la iska haysto kaddibna ninkii lahaa loo celiyo&#8221;.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dhaqanka in gabadha xoolo laga bixiyo ma ahan wax ku cusub bulshada balse sida sheekhu sheegayo waxyaabo dheeri ah ayaa soo baxay taas oo keentay in dhaqankii hore meesha ka baxo<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Hadii dhaqankii hore layska haysanayo, oo aan aad looga sii guureynin, oo waxyaabo cusub aan la keeneyn, iska caadi bay noqon laheyd, oo bulshada wax badan mey dareenteen, laakiin waxaa dhacday in fasaadkii uu batay, guurkii uu adkaaday&#8221; ayuu yiri sheekha oo intaas ku daray in &#8220;dhaqamo badan lagu soo daray dhaqankii hore, wixiina ay isla sii adkaadeen, taasna ayaa keentay in dhibaato kale dhalinyaradi u baxdo&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sheekh Cabdiraxmaan oo sharaxay waxa ay sida rasmiga ah uu diidan yihiin ayaa sheegay in ay joojiyeen waxyaabaha dheeriga ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Waxaan gabi ahan joojinay wixii gabbaa la oran jiray gabihii, dharkaas iyo waxyaabaha raad raaca, waxaan ugu talo galnay in si xalaal ah oo haboon laysu guursado, loona wada dhaqmo, loona dhiso reer xalaal ah&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Si loo fuliyo go&#8217;aamada soo baxay waxa uu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan in ciqaabayo cidii u hoggaansami weyda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Wixii aan soo saarnay cidii ka hortimaada waxaa u yaal xeer ciqaabeed xarig iyo hanti isugu jira&#8221;.<img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-558\" src=\"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/e55c9550-34cf-11f0-8519-3b5a01ebe413.jpg-300x200.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/e55c9550-34cf-11f0-8519-3b5a01ebe413.jpg-300x200.webp 300w, https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/e55c9550-34cf-11f0-8519-3b5a01ebe413.jpg-768x512.webp 768w, https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/e55c9550-34cf-11f0-8519-3b5a01ebe413.jpg.webp 800w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Xamaro ee gobolka Erer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo qaybo ka tirsan bulshada deegaanka ayaa soo saaray go&#8217;aanno ku saabsan qiimaha iyo lacagaha ku baxa guurka. Go&#8217;aannadaas ayaa lagu mamnuucay waxyaabo badan oo laga bixiyo gabadha loo geed-fadhiisanayo Sheekh Cabdiraxmaan Rashiid waa madaxa golaha arrimaha Islaamka ee degmadaasi waxa uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":558,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[5],"tags":[],"class_list":["post-556","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556"}],"collection":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=556"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":559,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/556\/revisions\/559"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media\/558"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}