{"id":560,"date":"2025-05-20T10:21:51","date_gmt":"2025-05-20T10:21:51","guid":{"rendered":"https:\/\/snbctv.com\/en\/?p=560"},"modified":"2025-05-20T10:59:13","modified_gmt":"2025-05-20T10:59:13","slug":"waa-kuma-ninka-xilka-sare-ka-hayey-daacishta-sooomaliya-ee-puntland-sheegtay-inay-dishay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/snbctv.com\/en\/waa-kuma-ninka-xilka-sare-ka-hayey-daacishta-sooomaliya-ee-puntland-sheegtay-inay-dishay\/","title":{"rendered":"Waa kuma ninka xilka sare ka hayey Daacishta Sooomaliya ee Puntland sheegtay inay dishay?"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey dilka sarkaal sare oo ka tirsaanaa kooxda Daacish, kaas oo ay ku sheegeen inuu kooxdaas u qaabilsanaa isku xirka iyo xiriirinta ajaanibta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Puntland 15-kii bishan May ayay ku dileen ninkan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Puntland ayaa tan iyo billowgii sanadkan dagaal kula jirta kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad ku sugan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Axmed Muuse Siciid uu kaalin muhiim ah ugu jiray kooxda.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">&#8220;Shaqadiisa ugu muhiimsan waxay ahayd xiriirinta iyo isku xirka argagixisada ajaanibta ah, iyo sidii dalkan gudihiisa ay u keeni lahaayeen dadka dagaalka nagula jiray&#8221; ayuu yiri.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Ninkan oo kasoo jeeda deegaannada Puntland ayaa muddo lagu raad-joogay iyadoo sawirradiisa la faafiyay intii uu noolaa.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Arrintan waxay marqaati cad ka tahay inaan cidna la cafin doonin oo sharciga la horkeeni doono&#8221; ayuu intaa raaciyay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Wuxuu sheegay in ninkan uu ahaa nin u calaameysan ciidamada Puntland oo lagu raad-joogay isla markaana howlo halis ah u hayay kooxda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Wasiirul dowlada ayaa intaa ku daray in howlgalka uu gabagabo marayo, kaas oo uu sheegay in lagu burburiyay inta badan saldhigyadii Daacishta Soomaaliya.<\/p>\n<\/div>\n<h2 id=\"Dagaalka-Daacish\" class=\"bbc-u15yok eglt09e0\" tabindex=\"-1\">Dagaalka Daacish<\/h2>\n<figure id=\"attachment_561\" aria-describedby=\"caption-attachment-561\" style=\"width: 300px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-561 size-medium\" src=\"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/c6d7cf20-353b-11f0-8947-7d6241f9fce9.png-300x198.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"198\" srcset=\"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/c6d7cf20-353b-11f0-8947-7d6241f9fce9.png-300x198.webp 300w, https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/c6d7cf20-353b-11f0-8947-7d6241f9fce9.png-768x506.webp 768w, https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/c6d7cf20-353b-11f0-8947-7d6241f9fce9.png.webp 800w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-561\" class=\"wp-caption-text\">HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND<\/figcaption><\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Buuraylada fog ee gobolka ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya ee Puntland, waxa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidammada maamul-goboleedkaas iyo dagaalyahannada Ururka Daacish.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sida ay sheegeen masuuliyiinta Puntland iyo warar ay baahisay dawladda Maraykanku, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday hawlgalka loogu magac daray &#8216;Hillaac&#8217;. Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku jira dagaallamayaal shisheeye ah. Sidoo kale hogaamiyeyaal ayaa la sheegay hawlgallada.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">In dagaallamayaal ajanabi ahi ay ku jiraan ururka Daacish ma aha wax cusub, waxaase sannadihii la soo dhaafay aad u xoogaysanayay walaaca laga qabo in tirada ajaaniibtu ay ka badan tahay qiyaasihii hore loo haystay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Kooxda sheegata &#8220;Khilaafada islaamiga&#8221; ayaa dhammaadkii bishii Disembar ee kal hore weerar ku qaadday ciidammada Puntland ee hadda dagaalka tooska ahi uu kala dhaxeeyo, kuwaas oo khasaare uu soo gaadhay, halka iyaguna ay sheegeen in ay dhammaan kooxda weerarka ku soo qaadday ay laayeen, kuwaas oo ay ku jireen dagaallamayaal ajaanib ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Kooxdan ayaa muujisay heerka ay awooddoodu gaadhsiisan tahay. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn tirada dagaalyahannada shisheeyaha iyo Soomaalida ee u dagaallamada Kooxda Daacish, mar kale ayaa misna bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika waxay sheegeen in loo maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay &#8220;laba jibaarantay&#8221; sannad gudihiisa.<\/p>\n<h2 id=\"Muhiimadda-Buuraleyda-Calmiskaad\" class=\"bbc-u15yok eglt09e0\" tabindex=\"-1\">Muhiimadda Buuraleyda Calmiskaad<\/h2>\n<figure id=\"attachment_562\" aria-describedby=\"caption-attachment-562\" style=\"width: 300px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" class=\"wp-image-562 size-medium\" src=\"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/f663bec0-353b-11f0-96c3-cf669419a2b0.png-300x184.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"184\" srcset=\"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/f663bec0-353b-11f0-96c3-cf669419a2b0.png-300x184.webp 300w, https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/f663bec0-353b-11f0-96c3-cf669419a2b0.png-768x470.webp 768w, https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/f663bec0-353b-11f0-96c3-cf669419a2b0.png.webp 800w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-562\" class=\"wp-caption-text\">HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND<\/figcaption><\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Waa deegaan fog oo in lagu noolaado aanay sahal ahayn oo ku yaalla gobolka Bari. Hase ahaatee, sababta ugu weyn ee Daacish ay u xusheen goobtan ayaa loo arkaa in ay tahay meel lagaga dhuuman karo duqaymaha dhinaca cirka ee marar badan ay Marykanku iyo dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ay ka fuliyaan deegaannadaasi.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dhammaadka sannadihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Puntland ay si rasmi ah ugu dhawaaqday hawlgal ka dhan ah Ururka Daacish ee saldhigoodu yahay deegaanka buuralayda ah ee Calmiskaad.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Inkasta oo sida ay sheegeen masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland ay qabsadeen qaybo ka mid ah saldhigyada ururkaasi, haddana dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaan weli la soo afjarin muddo bilooyin ah.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey dilka sarkaal sare oo ka tirsaanaa kooxda Daacish, kaas oo ay ku sheegeen inuu kooxdaas u qaabilsanaa isku xirka iyo xiriirinta ajaanibta. Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Puntland 15-kii bishan May ayay ku dileen ninkan. Puntland ayaa tan iyo billowgii sanadkan dagaal kula jirta kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":563,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[5],"tags":[],"class_list":["post-560","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-gudaha"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560"}],"collection":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=560"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":564,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/560\/revisions\/564"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media\/563"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=560"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=560"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/snbctv.com\/en\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=560"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}