Day: May 20, 2025
-
Waa kuma ninka xilka sare ka hayey Daacishta Sooomaliya ee Puntland sheegtay inay dishay?
Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey dilka sarkaal sare oo ka tirsaanaa kooxda Daacish, kaas oo ay ku sheegeen inuu kooxdaas u qaabilsanaa isku xirka iyo xiriirinta ajaanibta. Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Puntland 15-kii bishan May ayay ku dileen ninkan. Puntland ayaa tan iyo billowgii sanadkan dagaal kula jirta kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad…
-
Deegaan Soomaaliyeed oo jaangooyey kharashka ku baxa guurka. Ciddii diidda maxay mutaysan kartaa
Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Xamaro ee gobolka Erer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo qaybo ka tirsan bulshada deegaanka ayaa soo saaray go’aanno ku saabsan qiimaha iyo lacagaha ku baxa guurka. Go’aannadaas ayaa lagu mamnuucay waxyaabo badan oo laga bixiyo gabadha loo geed-fadhiisanayo Sheekh Cabdiraxmaan Rashiid waa madaxa golaha arrimaha Islaamka ee degmadaasi waxa uu…