Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey dilka sarkaal sare oo ka tirsaanaa kooxda Daacish, kaas oo ay ku sheegeen inuu kooxdaas u qaabilsanaa isku xirka iyo xiriirinta ajaanibta.
Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Puntland 15-kii bishan May ayay ku dileen ninkan.
Puntland ayaa tan iyo billowgii sanadkan dagaal kula jirta kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad ku sugan.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Axmed Muuse Siciid uu kaalin muhiim ah ugu jiray kooxda.
“Shaqadiisa ugu muhiimsan waxay ahayd xiriirinta iyo isku xirka argagixisada ajaanibta ah, iyo sidii dalkan gudihiisa ay u keeni lahaayeen dadka dagaalka nagula jiray” ayuu yiri.
Ninkan oo kasoo jeeda deegaannada Puntland ayaa muddo lagu raad-joogay iyadoo sawirradiisa la faafiyay intii uu noolaa.
“Arrintan waxay marqaati cad ka tahay inaan cidna la cafin doonin oo sharciga la horkeeni doono” ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu sheegay in ninkan uu ahaa nin u calaameysan ciidamada Puntland oo lagu raad-joogay isla markaana howlo halis ah u hayay kooxda.
Wasiirul dowlada ayaa intaa ku daray in howlgalka uu gabagabo marayo, kaas oo uu sheegay in lagu burburiyay inta badan saldhigyadii Daacishta Soomaaliya.
Dagaalka Daacish

Buuraylada fog ee gobolka ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya ee Puntland, waxa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidammada maamul-goboleedkaas iyo dagaalyahannada Ururka Daacish.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta Puntland iyo warar ay baahisay dawladda Maraykanku, in badan oo ka mid ah dagaalyahannada ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday hawlgalka loogu magac daray ‘Hillaac’. Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku jira dagaallamayaal shisheeye ah. Sidoo kale hogaamiyeyaal ayaa la sheegay hawlgallada.
In dagaallamayaal ajanabi ahi ay ku jiraan ururka Daacish ma aha wax cusub, waxaase sannadihii la soo dhaafay aad u xoogaysanayay walaaca laga qabo in tirada ajaaniibtu ay ka badan tahay qiyaasihii hore loo haystay.
Kooxda sheegata “Khilaafada islaamiga” ayaa dhammaadkii bishii Disembar ee kal hore weerar ku qaadday ciidammada Puntland ee hadda dagaalka tooska ahi uu kala dhaxeeyo, kuwaas oo khasaare uu soo gaadhay, halka iyaguna ay sheegeen in ay dhammaan kooxda weerarka ku soo qaadday ay laayeen, kuwaas oo ay ku jireen dagaallamayaal ajaanib ah.
Kooxdan ayaa muujisay heerka ay awooddoodu gaadhsiisan tahay. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn tirada dagaalyahannada shisheeyaha iyo Soomaalida ee u dagaallamada Kooxda Daacish, mar kale ayaa misna bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika waxay sheegeen in loo maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sannad gudihiisa.
Muhiimadda Buuraleyda Calmiskaad

Waa deegaan fog oo in lagu noolaado aanay sahal ahayn oo ku yaalla gobolka Bari. Hase ahaatee, sababta ugu weyn ee Daacish ay u xusheen goobtan ayaa loo arkaa in ay tahay meel lagaga dhuuman karo duqaymaha dhinaca cirka ee marar badan ay Marykanku iyo dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ay ka fuliyaan deegaannadaasi.
Dhammaadka sannadihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Puntland ay si rasmi ah ugu dhawaaqday hawlgal ka dhan ah Ururka Daacish ee saldhigoodu yahay deegaanka buuralayda ah ee Calmiskaad.
Inkasta oo sida ay sheegeen masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland ay qabsadeen qaybo ka mid ah saldhigyada ururkaasi, haddana dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ayaan weli la soo afjarin muddo bilooyin ah.
Leave a Reply